"Doon hub wadday" oo lagu qabtay xeebaha Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamadda Mareykanka ee ku sugan biyaha Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay doon la sheegay in ay wadday shixnado hub ah, sidda ay sheegayaan warbixino aan la socon fahfaahin dheeraad ah.

Sidda ay muujinayaan wararka laga helayo warbaahinta maxaliga ah, hubka la qabtay ayaa isugu jira garneelada garbaha laga gano ee RPG, BKM iyo AK- 47.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamadda Mareykanka iyo Dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan ciidamadda badda.

Su’aallaha la doonayo in dhinacyadda ka jawaabaan waxaa kamid ah; cidda ay u rarneyd doonta, halka lagu qabtey iyo meesha ay kusii jeeday.

Xeebaha Soomaaliya oo ay joogaan ciidamadda dowlado kala duwan ayaa lagu tilmaamaa "mid kamid ah badaha ay ka dhacaan dambiyadda ugu badan".

Dhawaqa ku saabsan in la qabtey doon wadday hub ayaa imaanaya maalin kadib markii Taliska Ciidamadda Badda Puntland uu shaaca ka dhigay in uu qabtay doonyo wadday kalluumeysi sharci darro ah wallow uusan fahfaahin.

Inta badan doonyaha hubka lagu qabtay gudaha biyaha Soomaaliya ayaa la sheegay in ay u rarnaayeen maleyshiyadda Al-Shabaab oo la aaminsan yahay in ay taageerada ay ka hesho dibadda ay isugu jirto sahay ciidan iyo dhaqaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM