Doonyo Al-Shabaab "u fududeyn jiray weerarada" oo la burburiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidamada Soomaaliya ayaa shaaciyey in uu burburiyey Doonyo Al-Shabaab "u fududeyn jiray weeraradda".

Afartaan doonyood ayaa lagu burburiyey howlgalo ay ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta waddanka

Saraakiisha ayaa sheegay in Doonyahan ay Al-Shabaab u isticmaali jireen in ay kaga gudbaan webbiga marka ay weeraro fulinayaan.

"Howlgalka lagu burburiyey Doonyaha oo qorsheysanaa ayaa ka dhacay degaanada Sagaalaad iyo Mareerey," ayuu yiri sarkaal.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Doonyahan ay lahaayeen shacab, kuwaasoo Al-Shabaab ay si qasab ah kaga qaadan jireen.

"Dadka shacabka ah waanu ku wargelinay in aan kaga burburinay arrimo amni, waana dareemaynaa in ay dhibaato tahay," ayuu raaciyey.

Talaabada ay qaadeen ciidamadda Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xili Al-Shabaab ay muddooyinkii dambe kordhisay weerarada ay ka fuliso gobolka.

Labadii todobaad ee u dambeysay, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa beegsatay fariisimo ciidamadu ku leeyihiin Afgooye iyo Marka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM