​Doorashada Aqalka Hoose Banaadiriga oo Ka Socota Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa maanta Muqdishu lagu dooranayaa Labo xubnood oo ka harsanaa Kuraasta Beelaha Banaadiriga ee Aqalka hoose, kuwaasi oo 5 kamid ah la doortay Bishii December, ee sanadkii 2016-ka.

Labada Kursiga ayaa mid kamid ah waxaa si gaar ah ugu tartamaya Haweenka Beelahaasi, iyadoo mid kalena ay u taagan yihiin murashaxiin rag ah, oo gaaraya saddex kuwaasi oo Siyaasadda kuwada cusub.

Kursiga Koowaad waxaa ku tartamaya laba haween ah oo kala ah;

Biibi khaliif Maxamed.

Qamar Islow Nuur.

Kursiga Labaadna waxaa ku tartamaya Saddex qof oo kala ah;

Caamir Axmed Maxamed.

Lutfi Shariif Maxamed.

Shariif Maxamed Cali.

Doorashada waxay ka dhacaysaa xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdishu.

Labada aqal ee Baarlamaanka cusub ayaan wali la dhamaystirin xubnihiisa, iyadoo ay jiraan 5 kursi kale oo lagu muransan yahay kuwaasi oo Madasha ay ku baaqeen in dib loo soo doorto.

Xildhibaanoo isugu jiro Labada aqal oo ka kooban 285 mudane ayaa dhawaan lagu dhaariyay Muqdishu, waxaana kuwa aqalka hoose todobaadkii tagey doorteen Gudoomiye iyo ku xigeenadiisa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM