Mudanihii ugu horeeyay ee xeerdejinta 11aad oo la doortey

Image

KISMAAYO, Jubaland - Sharci-dejiyihii ugu horeeyay ee baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxaa lagu doortay caasimada ku meelgaarka Jubaland ee Kismaayo.

Sidda uu shaaciyey guddiga doorashooyinka heer maamul goboleed, Ilyaas Badal Gaboose oo helay 55 cod ayaa wuxuu ka adkaadey Maxamed Axmed Maxamuud Sayid oo uruursadey codad dhan 17.

Warbixinta guddiga waxaa qeyb ka ahayd in uu xumaadey 1 cod. Tani waxay la macno tahay in ay haatan hartay saddex kursi kale taasoo ay ku tartamayaan musharaxiin gaareysa illaa todoba.

Gaboose oo 1963-dii ku dhashay magaalada Kismaayo ayaa soo noqdey guddoomiyaha gobolka Jubadda Hoose intii ay jirtay dowladdii ku meelgaarka ahayd ee madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Tartamaha laga guuleystay ee Sayid ayaa qudhiisa wuxuu ahaa barre ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo kamid ah hay'addaha dowliga ah ee bixiya adeegyadda bilaashka ah ee wadanka.

Hadaljeedintiisa musharaxnimadda ee uu jeediyey kahor inta aan la dooran ayuu Gaboose ku shaaciyey in uu hadafkiisu yahay "in uu wax ka bedelo qaab nololeedka Soomaalida gaar ah reer Jubaland".

"Waxaan rabaa in aan isku dayo in aan wax ka yagleelo dib-u-soo-celinta qaranimadda Soomaaliyeed. Waxaan rajo ka qabaa taas haddii loo helo dad iyo dowlad ku shaqeynaysa Soomaalinimo," ayuu yiri.

Dib-u-heshiisiin ayuu cod dheer kaga dhawaajiyey in uu u sameynayo dadka reer Jubaland ee "dagaalada dhex-mareen oo wadahadalo aan u furano ayaan doonayaa haddii uu Ilaahey raali ka noqdo".

Ugu dambeyntii, goleyaasha dowladda federaalka ah ayuu ku nuux-nuux-sadey in uu geyn doono ajandaha xasilinta iyo nabad-gelyadda geyiga Soomaaliyeed gaar ahaan dhulka at ka taliso Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM