Mudanihii ugu horeeyay ee xeerdejinta 11aad oo la doortey

Image

KISMAAYO, Jubaland - Sharci-dejiyihii ugu horeeyay ee baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah waxaa lagu doortay caasimada ku meelgaarka Jubaland ee Kismaayo.

Sidda uu shaaciyey guddiga doorashooyinka heer maamul goboleed, Ilyaas Badal Gaboose oo helay 55 cod ayaa wuxuu ka adkaadey Maxamed Axmed Maxamuud Sayid oo uruursadey codad dhan 17.

Warbixinta guddiga waxaa qeyb ka ahayd in uu xumaadey 1 cod. Tani waxay la macno tahay in ay haatan hartay saddex kursi kale taasoo ay ku tartamayaan musharaxiin gaareysa illaa todoba.

Gaboose oo 1963-dii ku dhashay magaalada Kismaayo ayaa soo noqdey guddoomiyaha gobolka Jubadda Hoose intii ay jirtay dowladdii ku meelgaarka ahayd ee madaxwayne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Tartamaha laga guuleystay ee Sayid ayaa qudhiisa wuxuu ahaa barre ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo kamid ah hay'addaha dowliga ah ee bixiya adeegyadda bilaashka ah ee wadanka.

Hadaljeedintiisa musharaxnimadda ee uu jeediyey kahor inta aan la dooran ayuu Gaboose ku shaaciyey in uu hadafkiisu yahay "in uu wax ka bedelo qaab nololeedka Soomaalida gaar ah reer Jubaland".

"Waxaan rabaa in aan isku dayo in aan wax ka yagleelo dib-u-soo-celinta qaranimadda Soomaaliyeed. Waxaan rajo ka qabaa taas haddii loo helo dad iyo dowlad ku shaqeynaysa Soomaalinimo," ayuu yiri.

Dib-u-heshiisiin ayuu cod dheer kaga dhawaajiyey in uu u sameynayo dadka reer Jubaland ee "dagaalada dhex-mareen oo wadahadalo aan u furano ayaan doonayaa haddii uu Ilaahey raali ka noqdo".

Ugu dambeyntii, goleyaasha dowladda federaalka ah ayuu ku nuux-nuux-sadey in uu geyn doono ajandaha xasilinta iyo nabad-gelyadda geyiga Soomaaliyeed gaar ahaan dhulka at ka taliso Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

James Swan oo mar kale loo magacaabay ergayga UN-ka ee Soomaaliya

Mr Swan ayaa badalaya Catriona Laing oo ay dhowaan cabasho uu ka gudbiyey maamulka Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 01:21AM

Jawiga uu maanta ku furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey furitaanka kulankan isha lagu hayo.

  • Soomaliya

    14-05-2024

  • 03:59PM