​Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo ka socoto Muqdishu

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa goor-dhaweyd xarunta Golaha Shacabka Somalia ee magaalada Muqdishu ka furmay Doorashada Afhayeenka Barlamanka cusub, kaasi oo ay u tartamayaan Afar Musharax, oo Prof Jawaari kamid yahay.

Wadooyinka magaalada Muqdishu ayaa xiran, waxaana la mamnuucay isticmaalka Gaadiidka dadwaynaha, si looga hortago inay falal amni oo dhaca inta ay socoto Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Hoteelada waawayn ee ku yaalla Muqdishu ayaan xalay laga seexan, waxaana ka dhacayay Kulamo gaar-gaar ah, oo ay yeelanayeen Xildhibaanada iyo Musharaxiinta Gudoomiyaha.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo u tartamayo Xilka Madaxweynaha Somalia iyo Kooxdiisa Ololaha Doorashada ayaa Xalay Xildhibaanada Somaliland kula kulmay Jazeera hotel.

Wararka ayaa sheegayo in Shariif Xasan uu dadaal ugu jiro sidii uu kusoo bixi lahaa Cabdirashiid Xidig, oo la sheegayo inuu taageero badan ka helay Xildhibaanada Koonfur Galbeed, kuwa Jubbaland iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Somalialand.

Xilka Afhayeenka waxaa u taagan;

Maxa'ed Sheekh Cusmaan Jawaari

Cabdirashiid Maxa'ed Xidig

Cabdifitaax Geesey

Idiris Cabdi Dakhtar

Jawaari iyo Xidig ayaa ugu cadcad musharaxiinta loo saadaalinayo inay noqdaan Afhayeenka Barlamanka Somalia, maadaama labadooda kala taageersanyihiin MD Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM

Halkee marayaa cadaadiska Dowladda Federaalka ku hayso ATMIS iyo diidmada Lafta-Gareen?

Wararka laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulan u dhexmarey taliye sare oo…

  • Soomaliya

    19-03-2026

  • 04:40PM