Doorashada hogaanka HirShabelle oo tijaabo u ah murqaha mucaaradka

Image

JOWHAR, HirShabelle – Villa Soomaaliya ayaa doorashada hogaanka HirShabelle ka dooneysa natiijo ka qoslisa balse mucaaradka waa u tijaabo ay hubin karaan in coddeynta 2020-21 ay kaga takhalusi karaan madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Farmaajo ayaa horey u faragelisay isla markaana madax daacad u ah kusoo saaratay doorashooyinkii Koonfur Galbeed iyo Galmudug, balse waxay ku fashilantay in ay ku dhex-milanto coddeyntii Puntland iyo Jubbaland.

Doorashooyinkii Koonfur Galbeed iyo Galmudug waxaa laga diiwaan-geliyey in uu dhiig ku daatay iyo in lacago badan oo laaluush ah loo qeybiyey mudaneyaasha soo xulaya Xildhibaanada.

Madaxtooyadda ayaa aad ugu dadaashay in dhinacyada kasoo horjeeda aysan saameyn ku yeelan geedi u socodka soo xulista Xildhibaanada HirShabelle oo uu si gaar ah u maamulayey Fahad Yaasiin Daahir, taliyaha hay'ada sirdoonka.

Bishii hore October 28-deeda, guddiga doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay liiska baarlamaanka labaad ee HirShabelle kaasoo isugu jira shaqaale dowladeed, taageereyaasha baraha bulshada dowladda iyo xubno ka tirsan NISA.

Laba maalmood kahor, mudaneyaasha cusub ayaa murashaxiin ay Villa Soomaaliya wadatay u doortay guddoon, talaabo u muuqata mid loogu diyaar-garoobayo in ay soo xulaan madaxweyne iyo ku xigeen taabacsan dowlada.

Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 7aad ee dalka, hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran, aas-aasaha Xisbiga Himilo Qaran ahna murashax doorashada 2020-21, ayaa laba jeer booqdey Jowhar kahor doorashada hogaanka cusub.

Socdaalka ayaa yimid xilli labada xil ee ugu sareysa maamulka ay isku-hayeen bulshooyinka Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, hasayaashee, lama ogga hadii khilaafkaas la xaliyey; hadii la dhameeyay ma jiro heshiis la baahiyey.

Maxamed Cabdi Waare, madaxweynihii labaad ee HirShabelle oo is-casilay 4-tii November, 2020, ayaa ku eedeeyay madaxda dowlada federaalka in ay ka diideen dib-u-heshiisiinta bulshooyinka kahor inta aan loo dareerin doorasho.

Waare ayaa intaas ku daray in HirShabelle ay dhibane u tahay tixgelin la siinayo sidii loogu heli lahaa codadka Xildhibaanada metala doorashada 2020-21.

Wargeyska Al Ceyn ayaa rumeysan in doorashada madaxtinimada HirShabelle ay qaabka ay dowlada iyo mucaaraadka ugu loolami doonan lamid ah kulanka El Clasico ee dhexmara kooxaha Barcelona iyo Real Madrid ee dalka Spain.

Sidda ay sheegayaan warbixino lagu kalsoonaan karo, Villa Soomaaliya ayaa u fargelisay xulista Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee HirShabelle si ay u soo doortaan Senator "Farmaajo-doon ah" una difaaca kursiga uu ku fadhiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo kahor-yimid go'aanadii Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran

Puntland ayaa sidoo kale diiday ka qeybgalka Shirka iyo natiijadii kasoo baxday, iyadoo eedeymo culus u jeedisay Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 11:11AM

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM