Doorashada madaxtinimada iyo xeer-dejinta HirShabelle oo la muddeeyay

Image

BEDLWAYNE, HirShabelle – Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaciyey waqtiga ay qabsoomeyso doorashada madaxtinimada HirShabelle iyo goorta ay bilaabaneyso soo xulista Xildhibaanada cusub.

Isagoo wariyeyaasha kula hadlay Beledwayne kadib kulan uu la yeeshay safiirka Sweden, Waare ayaa xusay in soo xulista mudaneyaasha ay bilaaban doonto bisha September, 2020.

Sidda uu ka dhawaajiyey Waare, doorashada hogaanka dowlad goboleedkaas ayaa dhaceysa bisha October ee isla sanadkan aynu ku jirno.

"Waxaan diyaar u nahay in doorashadda ay waqtigeeda ku dhacdo, sidda uu qabo Dastuurka federalaka iyo kan HirShabelle," ayuu yiri.

Staffan Tillander, danjiraha Sweden ee Muqdisho, ayaa tilmaamay in ay si gaar ah isha ugu hayn doonan geedi u socodka coddeynta, isagoo carabka ku adkeeyay in ay si muuqata uga qeyb-qaadanayaan.

"Dowlada Sweden waxay noo balanqaadey in ay naga saacidi doonto dhan walba oo muhiim u ah in doorashadu noqoto mid hufan oo lagu kalsoonaan karo, wayna mahadsan yihiin," ayuu Waare ku daray.

Hadalka Waare ayaa kusoo aadaya iyaddoo ay jiraan warar sheegaya in wakaalad ka dhigan doono Wasaarada Arrimaha Gudaha federaalka si ay isugu daba-rido nidaamka doorashada iyo xulista baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Digniin Adag usoo Diray Madaxweyne Xasan Sheekh 

Waxaa sidoo kale laga digay in taageerada beesha caalamka ay lunto haddii aan la muujin isbeddel dhab ah.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 04:53PM

Sheekh Shariif si adag uga jawaabay eedeymaha dowladda u jeedisay Mucaaradka

Xiisadda siyaasadeed ee dalka ayaa sii xumaanaysa, iyadoo mudo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ka haray wax ka yar sanad.

  • Soomaliya

    28-05-2025

  • 11:20AM