Doorashada madaxtinimada iyo xeer-dejinta HirShabelle oo la muddeeyay

Image

BEDLWAYNE, HirShabelle – Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaciyey waqtiga ay qabsoomeyso doorashada madaxtinimada HirShabelle iyo goorta ay bilaabaneyso soo xulista Xildhibaanada cusub.

Isagoo wariyeyaasha kula hadlay Beledwayne kadib kulan uu la yeeshay safiirka Sweden, Waare ayaa xusay in soo xulista mudaneyaasha ay bilaaban doonto bisha September, 2020.

Sidda uu ka dhawaajiyey Waare, doorashada hogaanka dowlad goboleedkaas ayaa dhaceysa bisha October ee isla sanadkan aynu ku jirno.

"Waxaan diyaar u nahay in doorashadda ay waqtigeeda ku dhacdo, sidda uu qabo Dastuurka federalaka iyo kan HirShabelle," ayuu yiri.

Staffan Tillander, danjiraha Sweden ee Muqdisho, ayaa tilmaamay in ay si gaar ah isha ugu hayn doonan geedi u socodka coddeynta, isagoo carabka ku adkeeyay in ay si muuqata uga qeyb-qaadanayaan.

"Dowlada Sweden waxay noo balanqaadey in ay naga saacidi doonto dhan walba oo muhiim u ah in doorashadu noqoto mid hufan oo lagu kalsoonaan karo, wayna mahadsan yihiin," ayuu Waare ku daray.

Hadalka Waare ayaa kusoo aadaya iyaddoo ay jiraan warar sheegaya in wakaalad ka dhigan doono Wasaarada Arrimaha Gudaha federaalka si ay isugu daba-rido nidaamka doorashada iyo xulista baarlamaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM