Doorashada Soomaaliya ee 2020-21 oo soo jiidatay murashaxiin badan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Doorashadda madaxtinimada Soomaaliya ee sanadka 2020-21 ayaa soo jiidanaya murashaxiin badan waxyar saddex bilood kahor inta aysan Xildhibaanada dooran hogaamiyaha afarta sano soo aadan.

Doorshadan ayaa kusoo hagaageysa xilli aafada Covid-19 ay hoos u dhigtay dakhligii waddanka iyo hubanti la'aan ku aadan jihada horu-socodka.

Coddeyntan ayaanan ka duweyn tii 2016-kii marka laga reebo in halkii kursi Xildhibaan ay soo xuli doonan 101 ergo, in doorashada ka qabsoomeyso laba magaalo maamulkiiba iyo lacagta diiwaan-gelinta oo la laba jibaaray.

Sharci-dejiyeyaasha Aqalka Sare waxaa soo dooran doona mudaneyaasha baarlamaanada dowlad goboleedyadda, waxaana halkaas ku xifaaltami doona dowladda federaalka iyo mucaarad qaar oo xilal waaweyn horey u soo qabtey.

Xaqiiqooyinkan ayaa dharbaaxo ku ah dowladda muddo xileedkeedu gabaabsiga yahay taasoo ku fashilantay in dalka ay ka hirgeliso nidaamka xisbiyada badan iyo doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si uu u daafacdo kursigiisa wuxuu maamulkiisa farageliyey xubnaha guddiyada doorashada maamulada, balse waxaa ka banaanbaxay murashaxiinta.

Qoraalo ay soo saareen tartameyaal gaaraya 12 ayay ku cambaareeyeen talaabaadaas oo ay ku qeexeen "mid lumineysa kalsoonida lagu qabi karo guddiyadda isla markaan dhalin kara muran hareeya natiijada coddeynta".

Siyaasiyiintan oo qaarkood xilal kasoo qabtay waddanka ayaa ku adkeystay in aysan diyaar u ahayn ka qeybgalka "doorasho loo qaabeeyay boob iyo ku shubasho"; dib-u-habeyn lagu sameeyo guddiyadda ayay codsadeen.

Xilli ay ka afeefteen in madaxda dowlada federaalka ay qaadayaan mas'uuliyada cawaaqibka ka dhasha, xubnaha qaarkood ee gudiyadda ayay ka dhawaajiyeen in ay yihiin saraakiil sirdoon iyo shaqaalaha Villa Soomaaliya.

Doorashadda madaxweynaha ayaa lagu waddaa in ay dhacdo 8-da Febraayo, 2021; bilooyinka lagu soo fool leh waxaa la rajeynayaa in lasoo xulo Xildhibaanada, wallow laga dib-dhacay jadwalkii lasoo saarey 1-da bishii hore ee October.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM