​Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Somaliland oo Socota

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya deegaanada maamulka Somaliland, ayaa maanta si toos ah uga bilaabatay magaalada Muqdishu Caasumadda dalka, waxaana ilaa hadda la doortay ilaa hal mudane.

Tallaabadan, ayaa timid kadib markii Guddiga Hergelinta Doorashada heer Federaal, ay shaaciyeen in soo xulista Xildhibaanada bilaabanayso maanta oo Axad ah.

 Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku guulaystay Kursigii ugu horeeyay Doorashada Xubnaha Aqalka Sare Ee Beelaha Somaliland.

Xaashi, oo ah Xildhibaan hore, ayaa helay 29 cod, waxaana uu ka guulaystay Musharax la tartamay oo lagu magacaabo Maxa'uud Jirde.

 Kursiga 2aad ee Aqalka Sare ee Somaliland, kaasi oo ay u tartamayaan Muxudiin Sheekh Cali, Abdi Yusuf iyo Maxamed Sheekh Ibrahim.

Muxudiin Sheekh Cali ayaa ku guulaystay Kursiga 2-aad ee Aqalka sare ee Somaliland, waxaana uu helay 41 cod.

Waxaa la filayaa in maanta lagu doortay Xarunta Gaadiidka Booliska ee Muqdishu lix Kursiga, oo kamid noqonaysa Kuraasta Beelaha Somaliland ay ka heleen Aqalka sare ee Baarlamaanka cusub ee dalka Somalia.

Doorashada Kuraasta Beelaha Somaliland ayaa la qabanayaa xilli dhawaan ay Hogaanka Madasha Qaran 18 kursi ku kordhiyeen Xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka, si ay u xalinaan cabashooyinka Beelaha qaar.

Beesha caalamka ayaa ka hortimid go’aankii ay Hogaamiyaasha Madasha ku kordhiyeen kuraasta Aqalka Sare, waxaana ay ku baaqday in arrintaas loo daayo Baaralamanka cusub, oo leh go'aanada la xiriirka Dastuurka.

Si kastaba, waxaa la filayaa in doorashada 8-da Kursi ee lagu kordhiyay Aqalka sare ay dhacdo, kadib Doorashada Madaxweynaha Somalia oo aan la shaacin xilliga kama dambaysta ah ee la qabanayo.

Warsidaha Garowe Online, ayaa dib idiin kasoo gudbin doona Sawirrada iyo magacyada Xildhibaanada kusoo baxa doorashada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM