Doorashadda Galmudug iyo Khayre oo kulamo kawada Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB , Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa xalay Dhuusamareeb wadahadallo kula yeeshay mas'uuliyiin uu ku jiro hogaamiyaha Ahlu Sunna, Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

Kulanka oo uu ka qeybgalay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa diirada lagu saarey dedaallada socda ee doorashooyinka Galmudug, caqabadaha taagan sida looga gudbi karo iyo khilaafka ka taagan sida Ahlu Sunna usoo xushay 20-keeda Xildhibaan.

Maclin Maxamuud ayaa Khayre u sheegay inaysan ku qanacsanayn qaabka uu howsha doorashadda u maamulayo gudiga farsamada ee dowladda soo magacawday, kaasoo dhawaan sheegay in 20-ka Xildhibaan ee Ahlu Sunna soo xushay aan loo marin qaab sharci ah.

Ahlu Sunna ayaa ka dalbatay Khayre inay xukuumadiisa ilaaliso heshiiskii ay wada galeen ee dhanka dhismaha maamulka cusub ee Galmudug, kaasoo siinaya Ururka 20 kursi oo kamid noqonayo baarlamaanka la dhisayo, oo ka koobnaan doona 89 xubin.

Dhanka kale, waxaa dib u dhac markale ku yimid doorashadda Galmudug, oo horey Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya u iclaamisay inay dhacayso bishii December ee 2019, iyadoo aan la ogeyn xilliga kale ee la qaban doono.

Galmudug ayaa tan iyo aas-aaskeeda kusoo jirtay khilaafyo siyaasadeed, kala qeybsanaan dhanka hogaanka iyo faragelin la sheegay inay ku hayso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa jiray dhowr heshiis oo dhinacyada isku haya hogaanka Galmudug kala saxiixdeen, kuwaasoo la doonayay in lagu mideeyo maamulka, balse fashilmay, taasoo keentay inay sameysmaan labo baarlamaan, labo Madaxweyne iyo labo xukuumadood, oo ku kala shaqeeya Cadaado iyo Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM