Doorashadda Soomaaliya ee 2020 oo war cusub laga soo saarey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan, Xaliimo Ismaaciil [Xaliimo Yarey] ayaa sheegtay in doorashooyinka 2020, aysan saameyn doonin khilaafka mararka qaar soo kala dhex-gala hogaanka dalka.

Khilaafka Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyadda ayaa wuxuu saameeyaa Hay'addaha kala duwan ee dalka, laakiin Xaliimo Yarey waxay sheegeysaa in kooxdeeda ay ka fogaan doonan wax walba oo khilaaf u keeni kara.

Waxay sheegtay in iyaga howsha loo igmaday ay tahay in dalka ay ka hir-geliyaan doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sanadka 2020, iyadoo intaasi ku dartay in howsha arintaasi ku aadan ay meel wanaagsan u mareyso.

Xaliimo Yarey ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in dalka doorasho qof iyo cod ay ka dhici karto dalka, inkastoo ay qirtay inay jiraan caqabado waa weyn oo ay ugu horeeyo amaanka, maadaama Al-Shbaab wali ku xoog badan tahay qeybo kamid ah dalka.

Iyadoo sii hadlaysa ayaa waxay sheegtay in dhibaatooyinka amaan ee guud ahaan dalka ka jira aysan u dhutin doonin in doorashadda 2020-ka dhacdo waqtigii loo mudeeyay, islamarkaana aysan ku imaan doonin wax dib u dhac ah.

Laakiin, Gudoomiyaha ma aysan soo hadal-qaadin deegaanadda ay Al-Shabaab ka maamulaan dalka sida doorashada uga dhici karto, balse waxay sheegtay in codbixinta kadhcayso Koonfur Galbeed, HirShabelle, Jubbaland, Galmudug iyo HirShabeelle.

Doorashadda oo la qorheeyay inay ka dhacdo sanadka 2020-ka ayaa waxay tahay nidaam Xisbiyadda Siyaasadeed ee dalka ka jira metalaad ku yeelan doonan Baarlamaanka, islamarkaana Shacabka ugu coddeyn doonan deegaanada kala duwan ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM