Doorasho ka dhacday Baydhabo xili hufnaan la'aan ka jirto hanaanka

Image
Image
Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Baydhabo Maanta ku qabtey doorashadda afar kursi oo kamid ah Gollaha Shacabka.

Sheekh Aadan Madoobe, oo 2007-2010 soo noqdey Afhayeenka Baarlamaanka 10aad ee dalka ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisu tahay Hope189, isagoo helay codad gaaraya 63, halka Musharax la tartamay Xasan Cali uu ku guuleystay 11 cod.

Waxaa sidoo kale lagu doortey Baydhabo kursigii loo diiday inuu u tartamo Jawaari [Hope103], kaasoo ku guuleystay Musharax lagu magacaabo Maxamed Cali Xasan, oo la sheegay inuu kamid yahay Wasiiradda Lafta-gareen.

Kursiga doorashadda waxaa shalay hakiyay Gudiga FEIT, oo Muqdisho ku qabtay cabasho usoo gudbiyay Jawaari, waxaana go'aanka qaadacey Gudiga SEIT ee Koonfur Galbeed oo howshiisa sii watay, maantana qabtey doorashadda.

Labo kursi oo kale ayaa la filayaa inay doorashadooda ka dhacdo isla Maanta Baydhabo, oo shalay saddex kursi lagu doortey, waxaana kusoo beegmaysaa doorashadda xili Musharixiinta mucaaradka Muqdisho kulan kula leeyihiin Rooble, oo ay kala hadlayaan musuq-maasuqa ka jira doorashadda Aqalka Hoose.

Musharixiin badan ayaa loo diiday inay tartamaan, iyadoo ugu dambeeyeen Jawaari iyo Tuuryare, waxaana lagu eedeeyay Villa Somalia inay gacmaha kula jirto hanaanka doorashadda dalka, oo laga weeciyay dhabihii loo jeexay Sep 17 markii maamullada iyo DF heshiiska gaareen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adaha Dowladda Soomaaliya oo laga mamnuucay in ay shirar ku qabtaan dibadda

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa fariintan ka sheegay Shirka Todobaadlaha ee Xukuumadda Federaalka.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 10:46AM

Ciidamada Soomaaliya oo iska-caabiyay weerar uga yimid kooxda AS

Waa markii saddexaad oo xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida isku-dayaan la wareegida degaankan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    25-04-2024

  • 04:24AM