Doorasho ka dhacday Muqdisho [Yaa kusoo baxay?]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Xerada Tababarka Booliska Jeneraal Kaahiye Maanta lagu doortey afar Xildhibaan, oo qeyb ka ah kuraasta Somaliland ee Aqalka Hoose.

Shaqsiyaadka kusoo baxay ayaa waxay isagu jiraan kuwa horey kursiga ugu fadhiyay iyo kuwa cusub, waxaana u codeeyay ergo qabiil, oo gaaraya 101 Xildhibaan walba dooranayay.

Waxay kala yihiin guuleystiyaasha: Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo kursiga horey ugu fadhisay, Jaamac Mohamed Askar, oo isna difaacdey kursiga, Guuleed Biixi Abdi iyo C/llaahi Cismaan Ducaale.

Waxay doorashaddan imaanaysaa maalin kadib markii Rooble uu 7 xubnood ka saarey Gudiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ka leexdeen dhex-dhexaadnimada iyo xeerarka shaqadooda.

Doorashadda Soomaaliya ayaa aad u daahdey, iyadoo dib u dhacyada ay yihiin kuwa aan dhamaad lahayn, waxaana socda isku dayo Xafiirka Ra'iisul wasaaraha ku xalinayo tabashooyinka Mushariixinta Mucaaradka ee xagga hufnaanta.

Musharixiinta ayaa shalay sheegay inay ka sugayaan Rooble kulan fool-fool ah inuu qabto, si loo saxo qaladaadka doorashadda, kadib markii habeen hore ay yeesheen wadahadal lagu qabtay aaladda ZOOM-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM