Kaalinta qandaraasyaasha duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Qandaraaslayaal madax-banaan oo ku sugan Kenya ayaa kaalin weyn ku leh duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya kuna beegsado argagixisadda, sidda ay warisay warbixin cusub.

Sheekadan waxaa tabisay OCCRP, hay'ad warbaahineed madax-banaan oo fadhigeedu yahay Mareykanka. Magaca waxaa loosoo gaabiyey Mashruuca Baahinta Dambiyada Abaabulan iyo Musuqa.

Xogta ay soo bandhigeen ayaa waxay ku saleysan tahay macluumaad laga soo uruuriyey dabagalka duulimaadyo iyo weerarada cirka.

Sidda ku xusan warbixinta, kaalinta qandaraaslayaashan adeegsada diyaarado oo ay heshiiska la gashay Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa ah basaasida iyo soo uruurinta macluumadka xubnaha la beegsanayo.

Baaritaanka ayaa sidoo kale waxaa lagu ogaadey in aad loo qariyo magacyadda mulkiileyaasha shirkadaha, hase ahaatee, waxaa la aqoonsaday qaar kamid ah shirkdaha iska diyaaradaha howlgalka ku jira.

Shirkadaha waxaa kamid ah; Gulfstream, balse kuwa qandaraaska ugu balaaran haysta waxaa ku jira; L3Harris Technologies iyo AEVEX Aerospace; saddexdooda waxaa laga leeyahay Ameerika.

Taliska AFRICOM oo xaqiijiyey doorka qandaraaslayaasha ee "xariga dilka" ayaa xusay "in aysan lahayn go'aanka ugu dambeeya, balse soo dareeseeyaan".

OCCRP ayaa si lamid ah waxay daaha ka rogtay in ay musuq-maasuq baahsan uu ka dhex-jiro shirkadaha qaarkood; Balse, afhayeen u hadlay AFRICOM wuxuu ku adkeystay "in lagu qanacsan yahay shaqadooda".

Hal askari iyo laba qandaraasle ah ayaa lagu dilay weerar bishii Janaayo ee sanadkan 2020 ay kooxda Al-Shabaab ku ekeysay xerada Manda Bay ee Mareykanka ku leeyahay waqoyga dalka Kenya.

AFRICOM ayaa waxay duulaankaas uga jawaabtay xoojinta joogitaankeeda qaaradda Afrika iyo beegsiga xubno ay sheegtay in weerarka soo abaabuleen; howlgalkaas waxaa door weyn ka cayaaray qandaraaslayaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM

Midowga Afrika oo Mar Kale Adkeeyay Madax-bannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa ku celiyay in ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya ay tahay arrin saldhig u ah xasilloonida Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 11:26AM