Doorka UN-ka ee baaq kasoo baxay Soomaaliya oo laga shiray

Image
Image
Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ahna Madaxa Hawl-galka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mudane James Swan.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

Kulankan booqasho sharafeedka ahaa, ayaa Wasiirka iyo Wakiilka Qaramada Midoobey waxa ay sidoo kale kaga wada hadleen doorka Qaramada Midoobey ee ka jawaabidda baaqii Dolwadda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddanaa u gurmashada shacabka ay dhibaatooyinku ka soo gaareen abaaraha baahsan ee ku dhuftay Dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM