Dowlad Carbeed oo dhexdhexaadin doonta dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta

Image

MUQDISHO- Kadib markii xiriirka u dhexeeya dowlada Federaalka Soomaaliya iyo wadanka Imaaraadka Carabta uu gaarey heerkii ugu hooseeyey ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya  in labadaan dal la dhexdhexaadin doono asbuucyada soo socda.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Axmad Ciise Cawad oo la hadlay Idaacada VOA qaybteeda Af-Soomaaliga ayaa sheegey in dal ka tirsan ururka Jaamacada Carabta dhexdhexaadin doono wadanka Soomaaliya iyo Imaraadka.

Wasiirka oo la waydiiyey dalkaan ayaan beenin warar sheegaya in dalka Sucuudiga u fidiyey gogosha lagu wadahadalasiinayo dowlada Federaalka ah iyo Imaraadka Carabta iyadoo qodobada laga wadahadli doono ugu sareeyo heshiiska shirkad DP World la gashey maamulka Somaliland iyo dalka Ethiopia.

Axmad Ciise Cawad ayaa Idaacada u sheegey in dowladiisa dacwad ka gudbisay wadanka Imaraadka gaar ahaan shirkada DP world kadib markii heshiis la gashey maamulka Somaliland.

Cawad oo kamid ahaa waqtigii Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ku weheliyey booqashadii uu ku tagey dalka Imaraadka Carabta dabayaaqadii bishii la soo dhaafey ee February ayaa dadweynaha uga jawaabey su’aalo la xiriira xiriirka labadaan dal ee xumaadey.

Wasiirka arimaha dibada oo la waydiiyey hadii  dowlada Federaalka cabashooyin ka qabto wadanka Imaraadka Carabta sababta ay ugu yeeri la’adahay safiirka u fadhiya dalkaan Soomaaliya ayaa sheegey in uusan dalka joogin kana maqan yahay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safiirka dalka Imaaraadka u fadhiya dalka Soomaaliya la kulmay February 2,2018 isagoo kala hadlay arimo muhiim ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM