Dowlada Ethiopia oo Safiir cusub u magacowdey dalka Somalia

Image

Addis Ababa- Madaxweynaha dalka Ethiopia  Mulatu Teshome ayaa safiirka wadanka Ethiopia u fadhiyi doona Somalia ayaa u magacaabey Jemaludin Mustafa Cumar, sidaas ayaa and ayaa lagu qorey bogga wakaalada wararka dalkaas ENA.

Safarada Ethiopia ee Somalia ayaa ah midda 83aad ay caalamka ku leeyihiin iyadoo wadankaas xafiis qunsulayad ku leeyahay sidoo kale magaalo madaxda maamulka Puntland ee Garowe.

Isbadalka Safiirka ayaa yimid bil kadib markii wadanka Somalia loo doortey  Madaxweyne cusub iyo Barlaman ka kooban aqal hoose iyo aqal sare.

Wadanka Ethiopia ayaa lagu eedeeyey inuu faragalin ku sameeyey doorashooyinkii ka dhacey Somalia.

Wakiilka wadanka Ethiopia u qaabilsanaa urur goboleedka IGAD "Gabre" ayaa noqdey ninka loogu hadal hayn badnaa inta ay socdeen nidaamka doorasho dalka Somalia 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Jubaland oo Ku Hareereysan Janan: Wararkii Ugu Dambeeyay Gobolka Gedo

Ilo wareedyo maxalli ah oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in ciidamo …

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 12:52PM

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM