Dowlada Farmaajo oo noqotay "tii ugu xumeyd" ee warbaahinta xorta ah

Image

NAIROBI, Kenya – Hay'adda Caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadanaha oo warbixin kasoo saartay xaalada Soomaaliya ayaa dowlada Farmaajo ku sheegtay "tii ugu xumeyd ee saxaafada xorta ah".

Dowladda Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah diidey warbixintii dhowaan kasoo baxday Amnesty taasoo sheegeysa in xorriyadda warbaahinta ay sii xumaaneysa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

"Warbixinta waxay iska indha-tireysaa guulaha ay gaartay Dowladda Soomaaliya ee xasaanada, difaacida wariyeyaasha iyo walaaca warbaahinta xorta ee saddexdii sano ee lasoo dhaafay," ayay war-saxaafadeed ku tiri xukuumadda Muqdisho.

Qormadda Amnesty ayaa lagu shaaciyey in sideed wariye la dilay tan iyo markii la doortay Farmaajo bishii Febraayo sanadkii 2017-kii.

"Wariyeyaasha Soomaaliya waxay ku shaqeeyaan si kontaroolan. Waxay si naadir ah kaga badbaadaan qaraxyadda lagu dhejiyo gawaarida, toogashada, garaacista iyo xarig joogto ah, wariyeyaasha waxay ku shaqeeyaan xaalad cabsi ah," ayuu Deprose Muchena, agaasimaha hay'adda ee bariga iyo koonfurta Afrika oo warbixintaan kusoo bandhigay magaalada Nairobi.

Muchena ayaa intaas ku daray "markii uu madaxweyne Farmaajo xilka qabtay, waxaan qabnay rajo weyn oo ah in dadka Soomaaliyeed ay si xor aragtidooda u soo bandhigi doonaan, uuna madaxweynuhu xorriyadda hadalka ka hormarin doono tiisa gaarka ah, laakiin taasi ma ahan mid dhacday".

Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabtay arrintaas ayaa tiri "waxaan si xog ogaalnimo ah uga war-qabaan mas'uuliyadda naga saaran in aan ilaalino xuquuqda uu qof kasta u leeyahay ammaan iyo xorriyad".

Waxay intaas raacisay "53% kiisaskaas waxay yihiin kuwa aan quseyn xorriyadda hadalka mana jiraan wax caddeymo ah oo sal baar u noqon kara been abuurkaas…wariyeyaasha qaarkood iyagaa been abuurasho sameeya si ay Yurub uga helaan magangalyo ama ay ugu dhoofaan".

Villa Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay "siyaasadeeda guracan" oo ay ku wajahado siyaasiyiinta ka aragtida duwan iyo wariyeyaasha madaxa banaan oo ay isugu dartay "laaluush siin iyo handadaad joogto ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM