Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ka hadashay xayiraada Hawada

Image

MUQDISHO | Kulan ay isugu yimaadeen golaha xukuumada kalsoonida lagala noqdey kaas oo shir gudmoonayey ku simaha Ra'isal wasaaraha ahna ku xigeenka Mahdi Khadar ayaa warsaxafadeed laga saarey nuqul kamid oo soo gaarey Garowe Online sidaan u qoraa: 


Siihayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay shir ay yeesheen golaha wasiirrada oo looga hadlay amniga dalka, xaaladda COVID-19 iyo dib u furidda dhammaan adeegyadii iyo shaqooyinkii u xirmay la tacaalidda COVID19.

Shirka golaha ayaa sidoo kale lagu amaanay dadaalkii iyo wax-qabadkii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu la yimid mudadii uu xukuumadda hoggaaminayay.

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka war bixiyay natiijada kulanka ayaa caddeeyay in golohu isku raacay in goobaha waxbarashada, garoomada diyaaradaha iyo dhammaan adeegada muhiimka u ah bulshada dib sidoodii loogu soo celiyo maadaama ay hoos u dhacday khatarta safmarka Feyruska Karoona.

Golaha ayaa bogaadiyay taageerada ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed la garab taaganyihiin saaxiibada, Soomaaliya waxayna sidoo kale ka codsadeen inay sii wadaan taageerada, ilaaliyaanna madax bannaanida dalka, dhammaan talooyinkana ay u marsiiyaan marinnada diblamaasiyadda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM