Dowlada Somaliya oo ka hadashay weerarkii Bariire

Image

Sarkaal ka mid ah ciidamada Soomaaliya, Janaraal Sheegow Axmed Cali, oo maamulayay saldhigga la weeraray ee Bariire ayaa sheegay in qaar ka mid ah kooxda weerartay ay ku dileen dagaalka.

Wuxuu tilmaamay iyo militariga Soomaaliya ay guuleysteen, iskana caabiyeen weerarka Al-Shabaab ee Bariire.

"Saaka aroortii, seddax meel ayey naga soo galeen; dhinaca wobiga; dhinaca Koonfur iyo dhanka waqooyi. Ka dib way naga jabeen ka dib markii dharbaaxo culus ay ku dhacday, illaa maydooda aan meesha dhignay", ayuu yiri sarkaalka u hadlay dowladda Janaraal Sheegow ayaa tilmaamay in illaa 18 ka mid ah shabaab ay ku dileen dagaalka ka dhacay gobolka Shabellaha Hoose.

AlShabaab ayaa sheegatay in ku dhowaad 30 askeri ay ku dileen weerarka, laakiin Janaraal Sheegow ayaa beeniyay arrintaas.

Wuxuu Sheegow qiray in illaa 12 askeri ay ku dhinteen weerarka Al-Shabaab ee Bariire ay ku qaadeen saaka.

Sidoo kale wuxuu Janaraalka beeniyay in Al-Shabaab ay qaateen gawaari xerada ciidamada tiilay. Kooxda ayaa sheegatay in 11 gaarii oo ay ka mid yihiin kuwa caafimaadka ka qaateen saldhigga.

"Baabuurta waxay ahaayeen kuwa qaar kood ay haleysnaayeen, oo difaaca yaalay, oo baasuuko uu ku dhacay. Gawaarida way cuslaayeen, mid ay qarxiyeen iyo seddax kale; afar gaari baan ogahay hadda", ayuu yiri Janaraal Sheegow.

BBC

Related Articles

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM