Dowlada Sucuudiga oo wafdi sare u diraysa dalka Somalia

Image

MUQDISHU- Dowlada Sucuudiga ayaa la filayaa in wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibada u soo diri doonto dalka Somalia maalmhaan soo socda.

Wafdigaan ayaa wararka sheegayaan in marka hore ku soo mari dalka Ethiopia iyagoo dalkaas ka raadinaya inuu tageero ololaha looga soo horjeedo dalka Qadar.

Wasiirka arimaha dibada Sucuudiga ayaa la filayaa in dalka Somalia kala hadli doono mowqifka dowlada Federalka ee ku aadan xiriirka dalka Qadar kadib markii ay qaateen madaxda Somalia go'aan dhexdhexaad ah.

Sucuudiga ayaa dalka Somalia ka raadinaya in ugu yaraan hoos u dhigaan xiriirka ay leeyihiin dalka Qadar.

Dalka Sucudiga ayaa raadinaya sidii loo go'doomin lahaa dalka Qadar oo wadamo Khaliijka ku yaala ku eedeeyeen Inuu xiriir la leeyahay dalka Iran islamarkaana tageero ururo argagixiso ah.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM

Muxuu Xasan Sheekh uga hadlay Khudbadiisii Shirweynaha Cimilada Afrika?

Wuxuu tusaale u soo qaatay abaartii ugu darneyd afartankii sano ee la soo dhaafay, taasoo saameysay 7.8 milyan oo qof.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 06:48PM