Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay Shir laba-geesood ah

Image
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galey xubno ka socday labada dowladood oo ay kala hoggaaminayeen Xamse iyo Rigathi.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay shirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, ayaa xoogga ku saaray xiriirka taariikhiga ah iyo walaaltinimada ka dhexeysa labada dal, iskaashiga gobolka ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka, iyo sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay kaalin firfircoon ka qaadato isku xirnaanta Bariga Afrika.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen xubno ka socday labada dowladood oo ay kala hoggaaminayeen Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dalkaas Rigathi Gachagua, ayaa ahaa mid daba-socday heshiisyadii ay shalay wada gaareen labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha wuxuu adkeeyay sida wadahadallada labada geesoodka ah ee (JCC) ay u yihiin saldhig wanaagsan oo lagu sii xoojin karo xiriirka labada dal, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay horumarka wadahadallada iyo heshiisyada la gaarayo.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay Ra’iisul Wasaaruhu saameynta taban ee isbeddelka cimilada oo labada dalba saameeyay, isagoo xusay muhiimadda iskaashiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Madaxweyne ku-xigeenka Kenya Mudane Rigathi Gachagua, ayaa yeeshay kulan gaar ah oo lagu xoojinayey xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM