Dowladaha Soomaaliya & Qatar oo kala saxiixday heshiis Cusub

Image
Wasiirka Cadaaladda ayaa dhanka Soomaaliya u saxiixay heshiiska.

Dooxa (GO) - Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta heshiis iskaashi oo la xiriira dhanka sharciga la saxiixday dhiggiisa dalka Qatar Ibrahim bin Ali Al-Muhannadi.

Labada Mas’uul ayaa Kulan gaar ah yeeshay iyaga oo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga garsoorka iyo dhameystirka dastuurka Soomaaliya iyo xoojinta hannaanka cadaaladeed ee dalka.

War qoraal oo ay dowladdu soo saartay ayaa lagu sheegay in uu ka tarjumaya xiisaha labada dal ee is dhaafsiga xogaha iyo khibradaha ku aadan diyaarinta hindise sharciyeedka iyo heshiisyada, iyadoo ay sii dheer tahay iskaashiga dhanka cilmi baarista sharciga iyo garsoorka.

Heshiiskan ayaa ka mid ah heshiisyo dhowr ah oo ay Soomaaliya dhawaan la gashay dalalka Caalamka oo ay ka mid yihiin Qatar, heshiisyadan ayaa taabanaya dhanka Difaaca, Dhaqaalaha iyo Sharciga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM