Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada oo kala qeybsanayo 40 kun oo askari Boolis ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shirkii Boliiska Dalka ee Qaabdhismeedka Amniga Qaran, ayaa galay maalintiisa 2-aad, iyada oo ay Dowlad-Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka ay ku kala qeybsanayaan 40 Kun oo Boliiska Dalka ah.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Amniga, Maaliyada, Talisyada Boliiska & la taliyaaysha Amaanka Madaxweynayaasha DXDF.

Inta uu shirka socday ayaa la isweydaarsaday afkaaraha iyo talooyinka la xariira qeybsiga Ciidamada, Tayeeynta Ciidanka iyo dadaalada dalka looga xoreynayo ‘AS’.

Waxaa la filaya in DF iyo DXDF ay beri soo waaraan war-murtiyeed lagu shaacinaayo sida loo kala qeybsaday ciidamada Booliska lana soo gabgabeeyo shirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM