Dowladda Federaalka oo ka hadashay Qaraxii Muqdishu [Dhageyso + Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Dowladda Federaalka Somalia ayaa ka warbixisay Qaraxii maanta duhurkii ka dhacay xarunta degmada Wadajir, kaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad 20 qof, oo u badan shacab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Axmed Maxamuud Maxamed (Sayid Carab) oo Warbaahinta kula hadlay goobta ayaa sheegay in 10 Qof ay ku dhinteen, 9 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka.

Axmed ayaa xaqiijiyay in Gudoomiyaha  Wadajir Cumar Cabdullaahi Xasan uu kamid yahay 30 qof oo ku dhaawacmay qaraxa, kaasi oo loo adeegsaday gaari HOMY-da ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in Qaraxa uu burburiyay dhismaha xarunta maamulka degmada.

Al shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarka, oo ahaa mid aad u weyn oo gilgiley Muqdishu, kaasi oo noqonaya midkii labaad, oo ka dhaca Caasumadda tan iyo markii ay billaabatey bishan Ramadan-ka.

Todobaadkii tagey, Al shabaab ayaa weerar xooggan ku qaadey Makhaayadda PIZZA House, oo ku taalla nawaaxiga Zoobe, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 30 ruux oo shacab ahaa.

Dowladda Federaalka, ayaa qaadey tallaabooyin wax looga qabanayo amniga magaalada, waxaana ay ciidamadeeda ay baro koontarool ka samaysteen wadooyinka waaweyn oo ay ku baaraan Gaadiidka.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM

Xog: Villa Somalia oo Firdhiye u Wadda Madaxtinimada Khaatumo

Gudoomiyihii hore ayaa magaalada Laascaanood la tagey ergooyin ka kooban…

  • Soomaliya

    21-07-2025

  • 07:00PM