Dowladda Federaalka oo ka jawaabtay eedeyn kaga timid Somaliland

Image
Maamulka Hargeysa ayaa sheegay in dilka marxuum Cabdinaasir ay ku lug lahayd dowladda Soomaaliya.

HARGEYSA, Somaliland - Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dib u eegis deg deg ah ku samayn doonto shaqaalaha asal ahaan ka soo jeeda deegaanadaas ee ka shaqayn jiray Mashruucii CACAS (ICAO) hadana la shaqeeya.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Somaliland Cumar-sayid Cabdillahi Aadan, ayaa xaqiijiyay arrintan.

Waxaa kaloo Hay’addu tacsi u dirtey ehelada iyo asxaabta Marxuum Abdinaasir Muuse Dahable, oo shegeen in si xaq darro ah loogu dilay Muqdisho.

Sidoo kale, Hay’addu waxay tilmaamtay in dib u eegis deg deg ah lagu samayn doono shaqaalaha asal ahaan ka soo jeeda SL ee ka shaqayn jiray Mashruucii CACAS (ICAO) ee hada la shaqeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland ay dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ka dambeysay geeridii shaqaale ka tirsanaa duulista hawada oo meydkiisa laga helay guri ku yaalla Koonfurta magaalada Muqdisho Axadii lasoo dhaafay.

Balse wasiir ku xigeenka warfaafinta Abdurahman Yusuf Al-Caddala oo ka jawaabay eedeyntan, wuxuu sheegay in booliska Soomaaliya ay wadaan baaritaan ayna soo qabteen eedaysane; isaga oo sheegay in dowladdu ay sugi doonto natiijada baaritaankaas ka hor inta aysan faallo bixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymo Xooggan oo Ka Dhacay Xuduuda Galgadud iyo Shabeellaha Dhexe

Toddobaadyadii ugu dambeeyay, Taliska Afrika ee Mareykanka ayaa shaaciyay falal duqeyn ah oo ka dhacay meelo kale oo dalka ah.

  • Soomaliya

    30-08-2025

  • 02:35PM

Xasan Sheekh oo Hambalyo U Diray Madaxda Cusub ee Maamulka Loo Dhaawaaqay Laascaanood

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka iyo hoggaanka cusub ee Laascaanood inay xoojiyaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    30-08-2025

  • 02:10PM