Dowladda Federaalka oo ka jawaabtay eedeyn kaga timid Somaliland

Image
Maamulka Hargeysa ayaa sheegay in dilka marxuum Cabdinaasir ay ku lug lahayd dowladda Soomaaliya.

HARGEYSA, Somaliland - Hay’adda Duulista iyo Madaarada Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dib u eegis deg deg ah ku samayn doonto shaqaalaha asal ahaan ka soo jeeda deegaanadaas ee ka shaqayn jiray Mashruucii CACAS (ICAO) hadana la shaqeeya.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Somaliland Cumar-sayid Cabdillahi Aadan, ayaa xaqiijiyay arrintan.

Waxaa kaloo Hay’addu tacsi u dirtey ehelada iyo asxaabta Marxuum Abdinaasir Muuse Dahable, oo shegeen in si xaq darro ah loogu dilay Muqdisho.

Sidoo kale, Hay’addu waxay tilmaamtay in dib u eegis deg deg ah lagu samayn doono shaqaalaha asal ahaan ka soo jeeda SL ee ka shaqayn jiray Mashruucii CACAS (ICAO) ee hada la shaqeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland ay dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay ka dambeysay geeridii shaqaale ka tirsanaa duulista hawada oo meydkiisa laga helay guri ku yaalla Koonfurta magaalada Muqdisho Axadii lasoo dhaafay.

Balse wasiir ku xigeenka warfaafinta Abdurahman Yusuf Al-Caddala oo ka jawaabay eedeyntan, wuxuu sheegay in booliska Soomaaliya ay wadaan baaritaan ayna soo qabteen eedaysane; isaga oo sheegay in dowladdu ay sugi doonto natiijada baaritaankaas ka hor inta aysan faallo bixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM