Dowladda Federaalka oo ka warbixisay diyaaradii gacanta u geshay “AS”

Image
Diyaarada ayaa waxaa saarnaa 9-qof oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac Diyaarada ayaa waxaa saarnaa 9-qof oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib.oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ka hadlay Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo gacanta u gashay AS.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka ay dadaal joogto ah ku bixineyso sidii loo soo badbaadin lahaa shaqaalaha Qaramada Midoobay ee saarnaa diyaaradda kuwaas oo la rumeysanyahay in ay gacanta u galeen Al-Shabaab.

Diyaarada ayaa waxaa saarnaa 9-qof oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib oo Ciidan iyo shaqaale raiyd ahaa.

Wasiirka ayaa yiri, "Dowladdu waxa ay tan iyo shalay markii uu shilku dhacay waddaa dadaallo lagu samata bixinayo shaqaalaha diyaaradda".

Diyaaradda ayaa ku sii jeeday magaalada Wisil ee Koonfurta gobolka Mudug, si ay dawo u gaarsiiso ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan ka hor inta aysan ku dhicin duleedka magaalada Xiindheer ee gobolka Galgaduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM