Dowladda Federaalka oo sheegtay in ay diyaar u tahay wadahadal

Image
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa u jawaabay Siyaasyiinta ka soo horjeeda hanaankii loo maray ansixinta dastuurka.

Muqdisho, Soomaaliya - Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Afur mahadnaqah u sameeyay xubnaha Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay 4-ta Cutub ee ugu horeeya Dastuurka muranka ka taaganyahay.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka qeyb geshay munaasabada, isaga oo ka jeediyay khudbad oo ugu jawaabay Siyaasyiinta ka soo horjeeda hanaankii loo maray ansixinta dastuurka.

“Waa inaan aaminaa hay’adaha dastuuriga ah oo uu ku jiro baarlamaanka, lana xoojiyo kaalintooda, ee ma ahan inaan diidno go’aan kasta oo ay soo saaraan.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku nuux-nuux saday in laga shaqeyn doono sidii loo dhaqan gelin tallaabadii Baarlamaanka, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay arrimahaasi u daayaan hay’adaha u xilsaaran.

Wuxuu intaas raaciyay, “Waxaan diyaar u nahay inaan ka gorgortano oo aan ku qancino dhammaan dhinacyada, laakin waa in aysan waxba u dhimin arrintaas howlaha ay hayaan hay’adaha dowladda.”

Waxaa xusid mudan in Dowladda Federaalka aysan weli ku guuleysan in ay dhaqan geliso qodobbadii dastuuriga ahaa ee la ansixiyay, maadaama ay wali Madaxda Dowlad-Goboleedyada ugu yeerto “madaxweyne”, iyada oo dastuurka Cusub dhigaya Isticmaalka ereyga Hogaamiye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM