Dowladda federaalka Soomaaliya oo eed kulul u jeedisay Itoobiya

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa hadalkan u sheegay baarlamaanka federaalka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Itoobiya ku eedeeyay inay isku dayayso inay wiiqdo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya.

Fiqi ayaa u sheegay guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka in Itoobiya ay la xiriirtay dhowr ka mid ah dowladaha saaxiibka dhow la ah Soomaaliya, una sheegay in Soomaaliya aysan daneyneynin xallinta khilaafka hadda jira.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Fiqi ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in tani ay qeyb ka tahay istaraatiijiyada Itoobiya ay ku wiiqeyso taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya.

“Itoobiya waxay doonaysaa in Soomaaliya loo arko mid gardaran oo aan doonayn in wada hadal la galo si dalalkan iyaga oo dhex dhexaadin ka ah ay taageeradooda kala noqdaan Soomaaliya,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Itoobiya in ay faragelin weyn ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay in ay saameyn ku yeelaneyso dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo in ay ciidamo tababarto xuduudaha.

Fiqi waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in Baasaboorka ay bixiso Somaliland lagu tagi karo wadamo kale marka laga reebo Itoobiya, isagoo ku tilmaamay hadalkaas mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Somaliland ayaa ah maamul sheegtay gooni-isu-taag sanadkii 1991-dii hase ahaatee inta badan dowladaha aduunka waxay u aqoonsan yihiin maamul goboleed hoostaga xukuumadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM