​Dowladda Federalka oo taageertay Xilka qaadistii Madaxweynaha HirShabelle

Image

MUQDISHU, Somalia - Dowladda Federaalka Somalia, ayaa maanta caddeysay Mowqifkeeda ku aadan Khilaafka Siyaasadeedka xooggan, ee ka taagan maamulka HirShabelle.

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa lagu shaaciyay in dowladda ay taageertay xilka qaadistii Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble ay ku sameeyeen Xildhibaanada Barlamanka HirShabelle.

Qoraalkan oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Saciid "Juxa", ayaa loogu baaqay Barlamanka HirShabelle inuu ku qabto Doorashada Madaxweyne Cusub mudo 30 maalmood gudahooda laga soo billaabo markii Xilka laga qaadey Cosoble, 14-ka bishan August.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay kaloo ku baaqday in la dhisi Gudi Doorasho oo isku dheela-tiran, kaasi oo ka shaqeyn doono qabashada Doorasho xur iyo xalaal ah, iyadoo DFS dusha kala socon doonto.

Waxay dowladda soo dhawaysay go'aanka Gudoonka iyo Barlamanka HiShabelle, oo ah in Kursiga Madaxweyne ay u tartanto oo kaliya Beesha Xawaadle, ee uu kasoo jeedo Madaxweynihii xilka laga qaadey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM