Dowladda Jarmalka oo balanqaad u sameysay Xukuumadda Soomaaliya

Image
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo qaabilay wafdi ka socda dowladda Jarmalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay wafdi ka socda dowladda Jarmalka oo uu hoggaaminayey Christoph Retzlaff oo ah Agaasimaha Dowladda Jarmalka u qaabilsan dalalka Saaxil iyo Saxara ee Afrika, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo xiriika soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal, isaga oo ka mahadceliyay taageerada dowladda Jarmalka ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Agaasimaha Dowladda Jarmalka u qaabilsan dalalka Saaxil iyo Saxara ee Afrika, Christoph Retzlaff, ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya dadaalladeeda la xiriira dowlad-dhiska dalka iyo xaqiijinta amniga guud ee Soomaaliya, waxa uuna xusay in dalkiisu uu sii xoojin doono taageerada dhinaca horumarinta, si loo xaqiijiyo guulaha la gaaray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM