Dowladda Mareykanka oo beenisey warar ay ka faafisay Al-Shabaab

Image

WASHINGTON, US – Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa wuxuu qashinka ku daray sheegasho todobaadkan ka timid dagaalamayasha Al-Shabaab oo ahaa in ay weerar ku naf-gooyeen kuna dhaawaceen askar Ameerikaan ah.

AFRICOM oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa ku eedeysay maleyshiyadda gacansaarka la leh Al-Qaacida "baahinta warar been ah".

"Taliska Mareykanka wuxuu sii wadayaa in uu soo bandhigo xudunta cadowga iyo waxay ka dhigan yihiin oo ah mustaqbal mugdi ah," ayuu yiri Korneyl Chris Karns, oo ah agaasimaha howlgalada ee taliska AFRICOM.

Karns oo hoosta ka xariiqay in ay xoojinayaan duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab iyo tababaridda ciidamadda Soomaaliya ayaa xusay in illaa haatan sanadkan 2020 ay Soomaaliya ka fuliyeen 46 howlgalo.

Howlgaladaas ayaa isugu jira kuwa ay la beegsadeen Al-Shabaab iyo Daacish. Hase ahaatee, bayaanka laguma soo qaadin waxyeelada shacabka oo sanadihii lasoo dhaafay sarre u kacay, sidda ay warbixinadu muujinayaan.

Sarkaalka oo qiray in Al-Shabaab ay si joogto ah u beegsato ciidamada, shacabka Soomaaliya, milatariga Mareykanka iyo saaxiibada caalamka ayaa tibaaxay in ay dardargelinayaan dedaaladooda ka hortagga iyo ciribtirka ururka.

Arbacadii, 26-kii August, 2020, Al-Shabaab ayaa warisay in degaanka Daaru Salaam oo 70 KM u jira Muqdisho ay ku kadisay kolanyo ay la socdeen ciidamo Ameerikaan iyo Soomaali ah, dil iyo dhaawacna u geysatay.

Bishii May, 2017, askari Ameerikaan ah laguna magacaabo Kyle Miliken, 38-jir ahaa, ayaa lagu dilay isla aagaan. Wuxuu ahaa Mareykankii ugu horeeyay ee Soomaaliya lagu khaarijiyo kadib howlgalkii Blackhawk Dawn ee sanadkii 1993.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM