Dowladda oo cambaareysay dilka Almaas kuna dhawaaqday baaritaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si adag u cambaareyneyso toogashadda Almaas Elman Cali Axmed.

Marxuumadda oo lagu dhex-dilay xarunta Xalane ayaa waxay u dhaqdhaqaaqi jirtay arrimaha xuquuqda aadanaha.

Intii u dhaxeysay 2016-2018, sidoo kale, waxay ahayd diblumaasi hore oo ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee waddanka deriska ah ee Kenya.

Fahfaahin kooban oo qaabka ay wax u dhaceen laga helay ayaa muujinaya in ay haleeshay xabado xili ay gaari la socotay.

Rasaasta ayaa ku haleeshay wadada isku xirta xarunta Xalane iyo madaarka Aadan Cadde maadaama ay kasoo baxay shir.

Shirkaas oo Midowga Yurub soo qabanqaabiyey ayaa looga hadlayey horumarinta degaanadda ku teedsan miyiga Soomaaliya.

Marxuumadda ayaa waxaa dhalay Elman Cali Axmed oo 1996-dii lagu dilay magaaladda Muqdisho una ololeyn jiray arrimaha nabadda.

Sidda lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, xukuumadda ayaa "baaritaan adag ku qaadi doonta kiiskan dalka ah".

"Cadaaladda ayaa la horgeynayaa ciddi ka dambeysay dilka gabahaas qiimaha badneyd," ayaa lagu yiri bayaanka oo Go uu helay.

Ma jirto koox illaa iyo haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkan. Horey uma dhicin in toogasho ay ka dhacday gudaha Xalane.

Almaas Elman ayaa dhanka warbaahinta waxay u qaabilsaneyd Midowga Yurub oo sanadihii u dambeeyay ay la shaqeynaysay.

Walaalaheed – Ilwaad, oo abaalmarinta nabadda 2019 u sharaxneyd, iyo Iimaan – ayaa hadda ka kala tirsan Qaramadda Midoobay iyo ciidamadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM