Dowladda oo isbedel ku sameysay xaaladaha amni ee Mukhtaar Roobow

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Isbedel ayaa lagu sameeyay xaaladaha amni ee Mukhtaar Roobow, sidda ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay.

Talaabada koowaad ayaa ah in laga saarey xabsiga ay maamusho Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, oo uu sagaal sano ku jiray.

Fahfaahinta ayaa intaasi ku dareysa in Abuu Mansuur la geliyay xabsi guri, gaar ahaan hoy aad loo ilaalo oo ku dhow Madaxtooyadda Qaranka ee Muqdisho.

Illo wareedyo ayaa ku waramaya in sidoo kale dowladda ay ogolaatay in guriga ay kusoo booqan karaa ehelkiisa iyo siyaasiyiinta ay isku heebta yihiin.

Roobow oo kamid ah bud-dhigeyaasha maleyshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa loo fasaxay in uu sameyn karo dhaqdhaqaaq madax banaan.

Ma cadda hadii tallaabooyinka ay yihiin kuwa ku meel gaar ah. Hay'addaha amniga ayaa nan ka jawaabin isku dayo uu Garowe Online wax uga waydiin lahaa arrintan.

Sikastaba, arrimahan ayaa yimid ka gedaal markii dedaalo ay sameeyeen dhinacyo kala duwan oo galaan-gal ku leh dowladda federaalka oo ku dhow Roobow.

Hogaamiye ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab oo dowladda isu soo dhiibay 2017-kii ayaa xiligaasi shaaciyey in uu wada hadalo kula jiro dowladda.

Iyadda oo labadda dhinac uusan soo qaadin wada xaajoodyadda ayuu mar qura ku dhawaaqay in murashax u yahay doorashada Koonfur Galbeed.

Bishii December ee sanadkii hore ayay ciidamo Itoobiyaan ah kasoo xireen Baydhabo, kadib markii uu ka diiday xukuumadda in uu tartanka ka haro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM

Dowladda Soomaaliya oo Bandow ku soo Rogtay Baydhabo Kadib Xiisado Siyaasadeed

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Asad Osman Abdullahi, oo maalmahan kulamo la lahaa saraakiisha booliska ee Baydhabo.

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 08:58AM