Dowladda oo ka dhabaysay hanjabaad ay horey u soo saartey

Image
Wasiir ku xigeenka warfaafinta, Cabdiraxmaan Al Cadaala, ayaa sheegay in sharciga uu qabanayo cid kasta.

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Dowladda Soomaaliya ayaa ficil u rogtay digniin horey ay ugu jeedisey odayaasha dhaqanka, taas oo ahayd in qofkii la macaamila Al-Shabaab uu iyaga la mid yahay, lalana tiigsanayo sharciga.

Haatan dowladda waxa ay xabsiga u taxaabtay dhawr oday dhaqameed oo ku sugan magaalada Cadaado, kuwaas oo maalin ka hor kasoo laabtay deegaanada ay Al-Shabaab ka taliso, lana soo galay heshiis.

Odayaashan oo warbaahinta la hadlay ayaa XUSAY in maleyshiyada ay ugu tageen in ay kasoo siidaayaan 70 rag ah oo ay muddo haysteen, taasina ay ku guuleysteen marka laga reebo labo nin oo dhintay, iyo labo kale oo maqan.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al Caddaala ayaa farriin uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in sharciga dowladda uu qabanayo cid kasta, go'aankana uu yahay kii ay horey dowladda u gaartay.

Ciidamada ayaa markiiba soo xirey odayaasha, iyada oo lasoo bandhigey sawirro muujinaya iyaga oo indhaha u xiranyahay, saarana gaadiidka ciidanka.

Maleyshiyadda Al-Shabaab oo wajahaya dagaalo culus ayaa isku dayaya in ay heshiisyo la galaan beelaha, kaas oo ay ku sheegeen in ay is badbaadiyaan, beeshana aysan usoo raacin ciidanka dowladda.

Soojeedin caynkaasi ah oo horey xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida u jeediyeen bulshadda Hiiraan, waxayna horseedday in guud ahaan gobolka Hiiraan laga saaro kooxdani oo hadda kusii haray meelo kooban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM