Dowladda oo ka hadashay ismiidaamintii Muqdisho

Image
Hibaaq Abuukar oo ka tirsanayd xafiiska Ra'iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa kamid ah dadka ku dhintay falkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hibaaq Abuukar oo ka tirsanayd xafiiska Ra'iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa ku geeriyootay Qaraxii Sabtida maanta ah ka dhacay magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Weerarka oo uu ka dambeeyay naftii halige isku soo raibay gaari laga soo buuxiyey waxyaabo qarxa ayaa si gaar ah wuxuu kaga dhacay irrida hore ee bar-kaantarool oo laga ilaaliyo Villa Soomaaliya.

Ugu yaraan shan qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku nafwaayeen falkaas. Dadkaas waxaa kamid ah hooyo iyo laba cunug ay dhashay. Sidoo kale, booliska wuxuu xaqiijiyey in ay jiraan dhaawacyada 5 kale.

"Waxaan qoysaskoodii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeen uga tacsiyeynayaa  dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixisadu maanta kula beegsadeen Muqdisho," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble.

Wuxuu intaas ku daray: "Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. Waa in aan isu kaashannaa la dagaallanka argaxisadan hororka ah ee shacabkeenna xasuuqa joogtada ah ku haya".

Dhanka kale, afhayeenka xafiiska wasiirka koowaad Maxamed Ibraahim Mucalimoow ayaa si gaar ah wuxuu uga tacsiyeeyay geerida Hibaaq isaga oo qoyskeeda u rajeeyay bedel wanaagsan

"Hibaaq waxa ay aheyd gabar firfircoon oo ka mid aheyd tiirarka xafiiska gaar ahaan qeybta Arimaha Haweenka. Qoyskeeda Ilaah Samir ha ka siiyo. Iyada iyo intii kale ee xaqdarada ku dhimtayna naxariisto janno Eebe ha siiyo," ayuu yiri.

Maleyshiyadda Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Kooxda hubeysan waxay intaas u dartey in ay beegsatay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda. Balse, ma aysan ka hadlin waxyeelada shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM