DF oo lagu eedeeyay in ay dhigatay "isbaaro" ay kororsi ku goobeyso

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Is-qabqabsiga guddiyadda doorashooyinka 2020-2021 waa qorshe "isbaaro ah" kaasoo madaxda dowladda federaalka ah ay ku doonayaan muddo kororsi, sidda uu ka dhawaajiyey murashax madaxweyne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hoosta ka xariiqay in ay doonayaan in lagu dhaqo heshiiska ay kala saxiixdeen dowladda iyo maamulada ayaa rumeysan hogaanka waqtiga ka dhacayo ay maleegayaan "isbaarooyin kale".

"Heshiiskaas sidii in loo fuliyo ayaa rabnaa. Laakiin waxaa muuqata in sidii ay isbaaro u ahayd qof iyo coda dalkaan gaarsiineynaa iyaddoo aysan waaqic ahayn in isbaaro cusub oo horleh ay dowladda soo dhigeyso oo u baahan in arrintaas laga taxadiro oo laga foojignaado," ayuu u sheegay Tv-ga Universal.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta ayaa buriyey in diidmadooda xubnaha guddiyadda ay ku saleysan tahay in ay dhalinyaro yihiin, isagoo ku adkeystay in ay u badan yihiin saraakiil sirdoon, shaqaale dowladeed iyo jamaahiirta dowlada.

"Marka dad xafiiska madaxweynaha ka shaqeeya oo barabagaanda u qaabilsan oo iyo dacaayadaha dadka siyaasiyiinta ah iyo dad ka tirsan hay'adda NISA taliyaha NISA soo qortey suuragal maahan, ayaan niri, annaga in aan doorasho ku galno, xaaladana guud ahaan halkaas ayay taagan tahay haatan," ayuu xusay.

Isagoo carabka ku adkeeyay in aysan ogolaan doonin ku darsi sharci darro ah, siyaasiga ayaa ku sharaxay: "Banooniga waxaa cayaara laba koox. Kooxaha waxay kala leeyihiin taageereyaal. Hadii lagu yiraahdo kawaran kooxdii kasoo horjeeday taageereyaashooda ayaa garsoorey noqonaayo? Saad ku aqbaleysaa? Waxaan aqbali karno ma ahan. Taa diidanahay taas waaye".

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa adkeeyay baahida loo qabo in xubnaha guddiyadda ay noqdaan kuwa lagu wada qanacsan yahay iyo in geedi u socodka ay wada ogol ku yihiin dhamaan daneeeyyaasha iyo saamileyda.

"Marka hore, habraaca doorashadda waa in heshiis lagu yahay. Sababta maxay tahay? Waa in natiijada kawada aqbalo. Marka annaga ma yeelayno cayaar garsooraha iyo laacibka isku mid yahay; taageeraha iyo laaciba isku mid yahay meeshay ku dhamaaneyso annaga waa ognahay taas diyaar uma nihin. Haddey dowladda doorasho rabto dad dadka u dhaxeeya ha keensato," ayuu ku daray.

Madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ayuu xusuusiyey in ay u hartay laba bilood isla markaana hadii muddo xileedkiisa dhamaadka iyaddoo aan doorasho dalka dareerin ay u wada siman yihiin talada iyo go'aanada doorashooyinka dalka.

XIlli Puntland iyo Jubaland uu ku bogaadiyey in aysan taageerin faragelinta madaxda dowladda ee xubnaha guddiyadda, Warsame ayaa Villa Soomaaliya u sheegay "in doorashada qaranka aysan u boobin sidii maamulada".

Doorashadda madaxweynaha ayaa qorshuhu yahay in ay dhacdo 8-da Febraayo, halka tan baarlamaanka loo madalsan yahay December. Hadii is-qabqabsiga sii jiro, waxaa laga cabsi qabaa in dhinac walba uu abaabusho doorasho u gaar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM