Dowladda oo shirkadaha kala hadlaysa mideynta SIM-Carada

Image
Wadaxaajood ku saabsan qadiyadan ayaa Sabtida maanta ah ka bilowday caasimada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif, ayaa Sabtida maanta ah furay Shir ay ka soo qeybgaleen madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayaa sida Shirkadaha ugu wada-xaajoon lahaayeen arrimaha khuseeya isku-xirka iyo dhaqan-galinta qodobka 49-aad ee xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo xeer-nidaamiyaha isku-xirka (interconnection regulation) oo faraya shirkadaha isgaarsiinta inay iswici karaan maadaama Shacabka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan.

Wasiir Khilaaf ayaa ugu horeyn bogaadiyey Shirkadaha Isgaarsiinta shaqada Wanaagsan ay u hayaan Dalka, wuxuuna uga mahadceliyey kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka.

"Maadaama ay tahay dan guud oo waajib ku ah dhammaan shirkadaha isgaarsiinta waxaa muhiim ah in labilaabo Shirkadaha gudaha in ay iswacaan, Wasaaradda waxaa waajib ka saaranyahay in ay Ilaaliso kuna difaacdo dhanka Sharciga Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka oo kaalin weyn ugu jira Dhaqaalaha Dalka," ayuu xusay.

Mustafa Yaasin Sheikh, ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, ayaa sidoo kale wuxuu Shirkadaha ku adkeeyey in howshaan si deg deh ah u dhamaato.

Shirkan soconaya muddo saddax maalmood ah ayaa laga soo saari doonaa qodobo muhiim ah, waxaana dhawaan la daah-furidoonaa Isku-xirka Shirkadaha oo shacabka Soomaaliyeed ay ka kaaftoomilahaayeen in ay qaataan dhowr Sim-card.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM