Dowladda oo wada qorshe ku wajahan ciidamo taabacsan wasiir Janan

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay diyaarineysaa qorshe ku wajahan boqolaal ciidamo oo daacad u ah Cabdirashiid Janan, Wasiirka amniga Jubbaland.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta, xukuumadda ayaa quudareyneysa in ciidamadaas ku biireyso milatariga ku sugan goboladda hoos-yimaada maamul goboleedka Jubbaland.

Janan, oo tan iyo 1-dii September ee sanadkan 2019 ku xiran magaaladda Muqdisho, ayaa loo haystaa eedeymo ay kamid yihiin "dambiyo waaweyn oo culus".

Ciidamadda oo fariisimahooda yahay magaalooyinka Doolow, Luuq iyo Beled Xaawo oo hoostaga gobolka Gedo ayaa lagu waramayaa in ay ogolaadeen ku biiritaanka Ciidanka Xoogga.

Maamulka Kismaayo oo ka falceliyay arrintaan ayaa wuxuu hoos u dhigay in ay saameyn ku yeelan karto "askarta ka tagtay".

Madaxweyne ku xigeenka koowaad, Maxamuud Sayid Aadan, oo hadlay ayaa wuxuu tibaaxay in uusan jirin khilaaf balse ay iyagu goosteen askarta.

Xiriirka Jubbaland iyo Villa Soomaaliya ayaa xumaa tan iyo markii madaxweyne Axmed Madoobe dib loogu doortay doorasho xor iyo xalaal ah oo ka qabsoontay magaaladda Kismaayo.

Beesha Caalamka ayaa wadada dedaalo ay ku qaboojineyso xiisadda. Saaxiibadda aduunka waxay qadarinayaan howlaha baaxada leh ee qaranka horyaala sida doorashooyinka iyo ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM