Dowladda Qatar oo 150 ton deeq gargaar ah ku wareejisay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SODMA Maxmuud Macalin Cabdulle ayaa Maanta kala wareegay dowladda Qatar deeq gargaar ah oo gaareya 150 Ton.

Munaasabada deeq wareejinta oo lagu qabtay dekada Muqdisho ayaa Waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi, waxaana la doonaya deeqdan in la gaarsiiyo dadka danta yar iyo kuwa ku nool deegaanada laga saaaray kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Hay’adda Mareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa ka halday goobta isaga oo ka warbixiyay deeqdan, waxuuna yiri:

“Gargaarkaan waxaan u qeybin dooona dhamaan gobolada dalka, waxaanna uga mahadcelinaa Dowladda Qatar ee marwalba garab taagan Xukuumada iyo Shacabka Soomaaliyeed.”

Dhankiisa, Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Qatar Charity Cabdullahi Maxamed Cali ayaa sheegay in fulinta gargaargan ay iska kaashan doonaan labada hey’adood ee Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo Qatar Charity.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka oo ku kulmay Muqdisho xilli xaraaradda doorashooyinku kordheyso

Sida ay ilo xog-ogaal ahi sheegayaan, kulankii ka dhacay Hotel Airport Golaha Mustaqbalka…

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 09:05PM

Turkiga oo Taangiyo Dagaal Keenay Soomaaliya

Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegaya in taangiyadan la geyn doono aagga degmada Warshiikh.

  • Soomaliya

    14-02-2026

  • 02:32PM