Dowladda Qatar oo 150 ton deeq gargaar ah ku wareejisay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SODMA Maxmuud Macalin Cabdulle ayaa Maanta kala wareegay dowladda Qatar deeq gargaar ah oo gaareya 150 Ton.

Munaasabada deeq wareejinta oo lagu qabtay dekada Muqdisho ayaa Waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka Qatar u fadhiya Soomaaliya Cabdalla Binu Saalim Al-nuceymi, waxaana la doonaya deeqdan in la gaarsiiyo dadka danta yar iyo kuwa ku nool deegaanada laga saaaray kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Hay’adda Mareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa ka halday goobta isaga oo ka warbixiyay deeqdan, waxuuna yiri:

“Gargaarkaan waxaan u qeybin dooona dhamaan gobolada dalka, waxaanna uga mahadcelinaa Dowladda Qatar ee marwalba garab taagan Xukuumada iyo Shacabka Soomaaliyeed.”

Dhankiisa, Gudoomiye ku-xigeenka Hay’adda Qatar Charity Cabdullahi Maxamed Cali ayaa sheegay in fulinta gargaargan ay iska kaashan doonaan labada hey’adood ee Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo Qatar Charity.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay tahay sababta Mucaaradka u qaadacay Shirka Xasan Sheekh?

Go’aanka mucaaradka ayaa imanaya xilli uu sare u kacay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.

  • Soomaliya

    09-06-2025

  • 09:31AM

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM