Dowladda Somalia oo dalbatay in la cayriyo Madaxii FOA

Image

MUQDISHU, Somalia- War kasoo baxay wasaaradda Arrimaha dowladda Federaalka Somalia, ayaa Qaramada Midoobay looga codsaday in dalka Somalia looga saaro Madaxtii hay'adda Beeraha iyo Waraabka ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Richard Trichard.

Warqadda oo soo baxday 13 june, balse warbaahintu heshay Jimcihii, ayaa lagu sheegay in wakiilkan uu ku xad gudbay waajibaadkiisii isagoo lagu eedeeyay inuu Akhlaaq xumo kula kacay saraakiil katirsan dowladda oo Wasiirro ay ku jiraan.

Inkastoo aan warqadda lagu caddayn eedaha Rasmiga ah ee Wakiilkan gaystay, hadana dowladda ayaa Qaramada Midoobay ka dalbatay in muddo saddex Casho ah uga saarto mas'uulkan gudaha Somalia.

Balse, Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay socdaan wada-hadallo u dhexeeya labada dhinac, taasoo uusan faah faahin ka bixin halka uu marayo.

Ninkan oo la hadlay VOA, ayaa sheegay in Richard Trichard uu yahay shakhsi shaqo wanaagsan ka qabtay gudaha Somalia, balse aysan ogaan karin waxa ka jira eedaha dowladdu u hayso.

Ilaa hadda lama oga in Trichard laga saaray gudaha Somalia iyo in kale, xilli dowladda Somalia sheegtay in FOA, laga sugayo howl adag oo ku aadan wax ka qabashada Abaaraha.

Waa tallaabadii ugu horeeysay oo dowladda Madaxweyne Farmaajo ku qaado mas'uul katirsan Qaramada Midoobay, xilli ninkan lagu dhaliilo inuu yahay shakhsi ka faa'iidaysteen dowladd la'aanta ka jirta Somalia islamarkaana ku kaca inta badan falal ka baxsan anshaxa Wakiilnimo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM