Dowladda Somalia oo ka hadashay Weerarkii Nairobi iyo dhimashada oo korartay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa ka cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ku qaadey shalay gelinkii dambe hotel-ka DusitD2 ee ku yaalla magaalada Nairobi, ee caasimadda dalka Kenya.

War-Saxaafadeed ay soo saartey Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in weerarka uu yahay mid argagaxiso, oo lagu laayay dad shacab ah.

Villa Somalia ayaa midnimo u muujisay Kenya dagaalka ay kula jirto argagaxisadda.

Dhanka kale, waxaa soo kordhaya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhacay weerarka, iyadoo Booliska Kenya uu sheegay in ugu yaraan 15 qof ay dhinteen, 35 kalena ay dhaawacmeen.

Afar nin oo aad u hubeysan ayaa weerarka fuliyay, kuwaasoo mid kamid ah ay qabatey kaamiradda CCTV ee ku xiran Hotel-ka iyo dhismaha Dusti, kaasoo ka kooban xafiisyo iyo goobo ganacsi.

Shirkad laga leeyahay dalka Thailand oo lagu magacaabo Dusit Thani Group ayaa leh goobta Al Shabaab weerartay, iyadoo dhacdadan ay kusoo beegantay sanad-guuradii 3aad ee weerarkii Ceel-Cadde oo dhacay 15-kii January ee 2016.

HALKAN KA AKHRI QORAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM