Dowladda Soomaaliya oo "albaabka towbada" u furtey Al-Shabaab

Image
Xukuumadda Muqdisho ayaa sheegtay in fursadan ay ka faa'iideysan karaan "kuwa ka noqdey fikirka Khawaariijta".

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in "albaabka towbada" uu wali u furan yahay horjoogayaasha iyo dagaalameyaasha Al-Shabaab "balse marka ay fikirka qaldan ka noqdaan".

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa ka dhawaajiyay in go'aankan uu yahay mid siyaasadeed oo dalkan u dagan.

"Sida madaxweynaha Jamhuuriyada, Ra'iisul Wasaaraha iyo xukuumadda marar badan ku celceliyeen, dowladda Soomaaliyeed waxay diyaar u tahay in ay soo dhaweyso dadka la marin-habaabiyey ee Khawaariijta ahaa marka ay fikirkaas kasoo noqdaan," ayuu yiri.

Al-Cadaala ayaa liiska isa-soo-dhiibayaasha waxa uu ka reebay "shaqsiyaad dambiyo ama xaalado gaar ah loo daba socdo". Balse, ma uusan carabaabin magacyadda xubnahaas.

"Dadka fikirkaas [Khawaariijta ah] ka noqda oo dambiyo iyo xaalado gaar ah aan loo haysan, waa soo dhaweynaysaa dowladda, albaabkana waa furan yahay, waana socotay maalmihii lasoo dhaafay oo howlgalada xooggan ay socdeen," ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Hogaamiyeyaasha xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa qaarkood waxaa madaxooda dul-saaran malaayiin doolarka Mareykanka ah sababo ku aadan in ay ku lug-leeyihiin weeraro lagu beegsadey dano shisheeye.

"Waxaan diyaar u nahay in aan soo dhawayno oo aan dhaqan-celinayo marka la hubiyana in ay fikirkii ka laabteen ay bulshadooda dib ula noolaadaan," ayuu hoosta ka xariiqay.

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta, Mukhtaar Roobow Cali [Abuu Mansuur], ayaa kamid ah amiiradda Al-Shabaab ee isku-soo-dhiibay dowladda federaalka isla markaana haatan safka hore uga jira gulufka ka dhanka ah kooxdiisii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM