Dowladda Soomaaliya oo balanqaad horleh u sameysay ciidanka Jubaland

Image
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ciidamaddan kula hadlay goob banaanka ka ah Kismaayo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho dhiirigelin iyo bogaadin ah ugu tagay ciidamada kumaandooska Danab ee ka howlgala Jubbaland, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaadanaya dagaalka ka socda gobolka ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Xamse ayaa ku bogaadiyay ciidamada Danab sida ay naftooda ugu hureen difaaca dalka, waxuuna ballan qaaday in dowladdu ay sii wadi doonto taageerada joogtada ah ee ay siiso ciidamada, si ay u helaan qalab iyo tababar casri ah oo ka caawinaya howlgalladooda.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga iyo wadajirka u dhexeeya ciidamada kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaada guud ahaan gobollada Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku celceliyay ahmiyadda ay leedahay in dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay ku midoobaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada, si loo gaaro Soomaaliya nabad iyo barwaaqo ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa booqashada ku wehelinayey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM

Hal qof oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay magaalada Baraawe

Baraawe ayaa muddooyinkii dambe ahayd magaalo muhiim ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM ay si dhow u maamulaan.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 08:11PM