Dowladda Soomaaliya oo beenisay hadal ka soo yeeray Hay’adda Duulista Somaliland

Image
Maareeyaha duulista hawada Somaliland ayaa musuq ku eedeeyay dowladda.

Muqidsho, Soomaaliya - Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa beenisay hadal maanta ka soo yeeray maareeyaha duulista hawada Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo warmurtiyeed soo saartay ayaa ku tiri: “Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaynaa in aysan waxba iska beddelin mid ahaanta iyo maamulka hawada Soomaaliya, ayna masuul ka tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.”

Warmurtiyeedka hay’adda ayaa lagu sheegay in ay leeyihin magac soo jireen ah isla markaana ay bixiyaan adeegyo ka mid ah kuwa ugu wanaagsan markii loo fiiriyo wadamada Caalamka.

“Diyaaradaha mara hawada dalkeenna waxay helaan mid ka mid ah adeegyada ugu badqabka sarreeya adduunka, taas oo keentay in hawada Soomaaliya si heer caalami ah loogu aqoonsado heerka ugu sarreeya ee “Class-A Airspace.” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda.

Maareeyaha duulista hawada Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay lunsatay lacag dhan 60 Milyan, isla markaana siyaasadeysay diyaraadaha Riyadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM