Dowladda Soomaaliya oo beenisay hadal kasoo yeeray Al-Shabaab

Image
Xafiiska ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa qashinka ku daray sheegashadda Cali Dheere.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa dhowaan waxay sheegeen in wajigii koowaad ee howlgallada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Macawiisleyda dadka deegaanka uu fashilmay.

Afhayeenka xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida, Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaan Cali Dheere, waxa uu ku eedeeyay Mareykanka in uu abaabulayo ciidamo ka dhan ah Al-Shabaab.

Cali Dheere ayaa xusay in qorshaha markii hore uu ahaa in lix bilood gudahood lagu cirib-tiro Al-Shabaab. “Wejigii koowaad ee howlgalka [uu Mareykanka] soo maleegay wuxuu noqday mid aan waxba ka jirin," ayuu yiri.

Sarkaal sare oo ka tirsan hay'adaha nabad-gelyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay Idaacada VOA-da, ayaa beeniyay sheegashada Cali Dheere.

"Macnaha fashil waa in loogu noqdaa haddii xoreynta Shabeelaha Dhexe, Hiiraan, Koonfurta Mudug iyo qeybo ka mid ah Galgaduud ay fashil tahay," ayuu yiri Kamaal Daahir Xasan Guutaale, la taliyaha amniga qaranka ee Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kamaal ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda waxay suurta galiyeen dhammaan guulahaas ay gaareen ciidamadeenna ammaanku muddo aad u yar".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Kamaal Guutaale ayaa carabka ku adkeeyay  in hadalka Cali Dheere ee ah "in Mareykanka uu soo abaabulay duulaanka Soomaaliya ay tahay mid aan waxba ka jirin".

"Waxa uu wajahayaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo aad u tababaran," ayuu Kamaal hoosta ka xariiqay. "Waxay Al-shabaab ka xoreeyeen in ka badan 500 KM, welina isagay ku daba jiraan," ayuu kusoo gabagabeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM