Dowladda Soomaaliya oo beenisay hadal kasoo yeeray Al-Shabaab

Image
Xafiiska ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa qashinka ku daray sheegashadda Cali Dheere.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa dhowaan waxay sheegeen in wajigii koowaad ee howlgallada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Macawiisleyda dadka deegaanka uu fashilmay.

Afhayeenka xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida, Cali Maxamuud Raage oo loo yaqaan Cali Dheere, waxa uu ku eedeeyay Mareykanka in uu abaabulayo ciidamo ka dhan ah Al-Shabaab.

Cali Dheere ayaa xusay in qorshaha markii hore uu ahaa in lix bilood gudahood lagu cirib-tiro Al-Shabaab. “Wejigii koowaad ee howlgalka [uu Mareykanka] soo maleegay wuxuu noqday mid aan waxba ka jirin," ayuu yiri.

Sarkaal sare oo ka tirsan hay'adaha nabad-gelyadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay Idaacada VOA-da, ayaa beeniyay sheegashada Cali Dheere.

"Macnaha fashil waa in loogu noqdaa haddii xoreynta Shabeelaha Dhexe, Hiiraan, Koonfurta Mudug iyo qeybo ka mid ah Galgaduud ay fashil tahay," ayuu yiri Kamaal Daahir Xasan Guutaale, la taliyaha amniga qaranka ee Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Kamaal ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda waxay suurta galiyeen dhammaan guulahaas ay gaareen ciidamadeenna ammaanku muddo aad u yar".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Kamaal Guutaale ayaa carabka ku adkeeyay  in hadalka Cali Dheere ee ah "in Mareykanka uu soo abaabulay duulaanka Soomaaliya ay tahay mid aan waxba ka jirin".

"Waxa uu wajahayaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo aad u tababaran," ayuu Kamaal hoosta ka xariiqay. "Waxay Al-shabaab ka xoreeyeen in ka badan 500 KM, welina isagay ku daba jiraan," ayuu kusoo gabagabeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM