Dowladda Soomaaliya oo beenisay sheegashada Somaliland ee maamulka Hawada

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay wararka kasoo baxay dhinaca Somaliland.

Muqdisho, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saaray Warsaxaafadeed ka soo lagu xusay in dowladda Soomaaliya ay gacanta ku hayso guud ahaan maamulka iyo maaraynta hawada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha ayaa warsaxaafadeedkan kaga dhawaaqay Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas uu shirguddoomiyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka. Intii lagu guda jiray Shirka, Golaha ayaa warbixin la xiriirta hawada Soomaaliya ka dhageystay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Dhanka kale, Somaliland ayaa beenisay wararka kasoo baxay dhinaca dawladda Soomaaliya iyada oo sheegtay in aanay wax khalkhal gelin ah ku sameyn Hawada Soomaalida.

Yaa maamula Hawada Soomaaliya?

Hay'adda Qaramada Midoobay ee Duulistada Rayidka ICAO, ayaa magaalada Nairobi ka maamuli jirtay hawada Soomaaliya muddo 27 Sano ah.

Bartamaha sanadka 2018 ayaa si rasmi ah dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay maamulka hawada, waxaana laga hirgeliyay dalka xarumood oo laga hago diyaaradaha kuwaas oo ku kala yaala Muqdisho & Hargeysa.

Arrintan ayaa ka dhigan in labada Xarumood ee Muqdisho & Hargeysa ay yihiin kuwoo isku awood ah, oo la hadli kara diyaaradaha ka duulaya gudaha dalka, Sida ay xaqiijiyeen ilo-warbaahineed.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM