Dowladda Soomaaliya oo ciidamo si gaar ah u tababaran u dirtey Jowhar

Image

JOWHAR, HirShabelle - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu waramay in ay caasimada HirShabelle ee Jowhar ay Axada maanta ah u dirtey ciidamo si gaar ah u tababaran.

Sidda ay muujinayaan macluumaadka, ciidankan ayaa ka tirsan booliska uu Turkiga tababarka siiyey ee loo yaqaano Haramcad.

Ma cadda ujeedka dhabta ah ee askarta loogu daabulay magaala madaxda gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ma jiro mas'uul ka tirsan Dowladda oo tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey daabulitaanka.

Talaabadan ayaa timid xilli Jowhar lagu waddo in ay martigeliso doorashooyin isku-sidkan oo kala ah madaxtinimada iyo baarlamaanka maamulkii ugu dambeeyay ee dalka laga dhisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM