Dowladda Soomaaliya oo codsi u dirtay shirkadaha shidaalka caalamka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waydiisatay shirkadaha ugu tunka weyn caalamka ee dhanka shidaalka in ay maalgeshi ku sameystaan waddanka.

Wasiirka Batroolka xukuumadda taladda haysa ayaa shaaca ka qaadey in la xaliyey dhamaan caqabadihii jiray lana dhameystiray waxyaabihii muhiimka ahaa.

Cabdirashiid Maxamed Axmed oo wareysi siiyey bogga Petroleum Economist ayaa caqabadaha laga gudbay ku sheegay shufta badeeda "oo la cirib-tiray" iyo sharciga Batroolka.

"Waxaan ku martiqaadeynaa shirkadaha in ay soo eegaan Soomaaliya. Suuq ka weyn waxay filanayaan ayaa ka jira, wayna fudahay in ay helaan suuq caalami ah," ayuu yiri.

Sharciga Batroolka oo ay qaadaceen qaar kamid ah Maamul Goboleedyadda dalka ayaa horyaala Aqalka Sare.

"Soomaaliya waxay Bariga Afrika kaga taalaa aag istaraatiiji, waxay dhacdaa Badda Cas iyo Gacanka Cadan. Tani waxay sahleysaa xiriirka suuqyadda kale ee caalamka," ayuu xusay.

Xukuumadda ayaa bishaan December soo bandhigeysa macluumaad horleh oo ku saabsan shidaalka dalka. Isla bishaan, waxaa la bilaabayaa bixinta ruqsadaha shidaal soo saarista.

Sidda ku cad xogta lagu soo bandhigay Shirkii Shidaalka Soomaaliya ee London, bishii February, 2019, Soomaaliya waxay hadda haysataa 16-xirmooyin shidaal oo 30 bilyan oo Fuusto ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM