Dowladda Soomaaliya oo deeq lacageed ka heshay Shiinaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Hay'ada Maaraynta Musiibooyinka qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta kala wareegay Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya Deeq-lacageed oo gaaraysa Boqol soddon iyo sagaal kun, saddex boqol toban iyo siddeed, afartan iyo shan Sent ($139.318.45).

Deeqda ayaa sida la sheegay loogu talagalay howlaha samafalka fatahaadaha waxaana guddoomiyaha hay’adda SoDMA ku wareejiyay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Ambassador, Fei Shengchao.

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka ayaa sheegay in dowladda Shiinuhu ay tahay dowladdii ugu horreeysay ee xiriir kala soo samaysa arrimaha fatahaadaha, taasina ay ugu mahad celinayaan.

Warbaahinta Dowladda ayaa warisay in Guddoomiyaha iyo Safiirka Shiinaha ay ka wada hadleen sidii daadadka ka dib ay dowladdiisu gacan ugu geysan lahayd dib u dhiska buundooyinkii ku burburay fatahaadaha iyo in xal loo helo dhibaatada ay biyuhu ku hayaan Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya ayaa isbuucyadii u danbeeyay waxaa ka da'ay roobab aad u xoogan kuwaas oo saameeyay meelo badan oo ka mid ah Dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM